qasac
(m.l) (-cyo, m.dh)

Weel yar oo macdan ama nooc kale oo bir ah ka samaysan oo cunnada iyo sharaabka lagu alxamo; daasad. ld qasacad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qasac

laambad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qasac yar oo af dheer iyo dheg la qabsado leh oo la ifsado. 2. Nal.

saardiin [m.l] (-nno, m.dh)
Kalluun badeed lullumada u eg oo badanaa la qasacadeeyo.

daasad [m.dh] (-do, m.l)
Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iwm ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.

kabbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Caano, biyo iwm in cantuugo ka yar oo kol afka lagu qaado. 2. Qasac yar oo lagu cabbiro, saliid, gaas iwm.

khashkhash [m.l]
1. Dhagar; sir; mardabo. 2. Wadnaqabad; qasacajebis. ld qashqash¹.

qafas [m.l]
1. (-syo, m.dh) ld qafis. Sanduuq shabaq ka samaysan oo shimbiraha, ugaadha iwm lagu hayo. 2. Qasac yar oo maar ah, qaada tiro xabbado ah oo buntuqa, bistooladda iwm la geliyo.

qasacad [m.dh]
ld qasac.

qasacadayn [m.f.dh]
eeg qasacadee.

qasacadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cunto, sharaab iwm qasac lagu shubay ku alxamid.

qas [m.l]
1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.

qas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iwm oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg