qasan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-smay, -santay; -smi)1. Biyo iwm wax kale ku labmid. 2. Qof xasillooni darro maskaxeed la kulantay noqosho.
qasan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-snaa, -snayd)1. Biyo iwm oo wax ku labmay ahaansho. 2. Qof xasilloonidarro maskaxeed la kulantay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qasan ↴
laaq [m.dh]
1. Wax isku qasan. 2. Cod dad oo meel dheer laga maqlo.
uuro [m.dh]
1. Boor ama qiiq madow oo kacsan. 2. Biyo dhoobo ku qasantahay oo aad u calawsan. 3. Midab xooluhu yeeshaan oo madow, guduud iyo cawl isugu dhafan.
burgaanti [m.dh]
Budo daawo ah, qaraar, qasanta oo la isku qaras bixiyo. ld burkaanti.
calas [m.dh]
1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha).
calow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
calwasaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Xaalad muddo gaaban ee maskaxda shaqadeedu isku qasanto oo la socoto jirro maskaxda.
dabeyl [m.dh] (-lo, m.l)
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).
daran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Ku d.: wax, wax kale ku qasan noqosho. ld darsan².
daran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax karti badan ahaansho (qof). 2. Wax dhibaato badan ahaansho. 3. Ku d.: wax, wax kale ku qasan ahaansho. 4. Ku d.: qof balwad aad u isticmaala ahaansho. 5. U d.: wax cid dhibaateeya ahaansho. ld darsan³.
deg [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.
qas [m.l]
1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.
qas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iwm oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin.