qasli
(m.l)Dahaarad la'aanta ku dhacda qof galmo sameeyey ama junnuubay. ld qaslad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qasli ↴
qaslad [m.dh]
ld qasli.
qas [m.l]
1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.
qas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Milme iyo hoore isku labid. 2. Wax kala jaad ah isku darid. 3. Rabsho iyo xasillooni la'aan meel ka abuurid. 4. Ka q.: hadal, ciyaar iwm oo cid si wanaagsan ugu socotay ka dhabqin.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg