qataarid
(m.f.dh)eeg qataar².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qataarid ↴
xir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax xarig iwm ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin.
qataar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qori yar oo albaabka hoos looga xiro; handaraab. 2. Bir xoog leh oo qoryaha iyo dhagxaantaba lagu jajebiyo. 3. Q. ah: baabuur aad u duugoobay oo kala daadsan laakiin socda. 4. Nooc sixirka ka mid ah oo inta geed musmaar lagu taago isla markiiba qofka la sixraayo xanuunsada.
qataar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Qori adag albaab hoos uga xirid. 2. Qof sixrid, iyadoo geed musmaar loogu taagayo.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg