qatin
(m.l)

1. Muddada ay xooluhu biyaha ka qadaan. 2. Q.ah: xoolo aan kalkoodi gelin.

qatin
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-imay, -intay; -imi)

1. Xoolo muddo biyo ka qadid. 2. Ka q.: wax la qaybsanayo wax ka waayid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qatin

qatimid [m.f.dh]
eeg qatin².

qatindhaaf [m.l]
Xoolo kolkii ay cabbi jireen dhaafay oo aad u oomman.

qatindhaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Xoolo kalkii ay ku cabbi jireen dhaafid.

qatindhaafid [m.f.dh]
eeg qatindhaaf².

qatinsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Xoolo, muddo aan biyo cabbin ahaansho.

qatinsanaan [m.f.dh]
eeg qatinsan. ld qatinsanaansho.

qatinsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qatinsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg