qawaaniin
(m.dh)eeg qaanuun.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qawaaniin ↴
aragti [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Sida arrin cid ugu muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka. 3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda'iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.
baq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday; -biqi)
1. Wax xumaaday oo aan la dhami karin noqosho (caano). 2. Baqdin dareemid. 3. Ka b.: sharci, qawaaniin iwm wax khilaafsan faliddiisa ka digtoonaan si looga baxsado ciqaabta ay jebintiisu leedahay.
digniin kamadambeys ah [m.dh]
(siyaa.) Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.
diin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-iimo, m.l)
1. Caqiido cid ku xiraysa awood ka sarraysa oo ay aaminsantahay in ay wax yeeli karto, waxna u tari karto. 2. Qawaaniin Eebbe u soo dejiyey dadka dunida ku nool si ay waxa wanaagsan u falaan, waxa xunna uga reebtoomaan. 3. Quraan.
isboorti [m.l]
Madaddaalo ciyaareed oo xeerar leh iyo qawaaniin oo lagu tartamo.
qaran [m.l] (-ammo/-nno, m.dh)
1. Dad ay ka dhexeyso qawaaniin iyo maamul siyaasadeed oo leh seere ama xad adduunyadu aqoonsan tahay iyo calan u gaar ah. 2. Usha balka galleyda ama meseggada.
sarfe [m.l]
(nax.) Daraasadda qawaaniinta ku salaysan dhismaha ereyada xagga samay-sankooda iyo xagga isrogroggooda.
weereyn [m.dh]
(nax.) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.