qaxwe
(m.l)Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo shaah ahaan loo cabbo. ld qahwe, qaxwo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaxwe ↴
minqaxwe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Wiil makhaayad ka shaqeeya oo shaaha dadka u geegeeya.
qahwe [m.l]
ld qaxwe.
qaxwayn [m.f.dh]
eeg qaxwee.
qaxwee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-weeyay, -waysay)
Qaxwe cabbid.
qaxwo [m.dh]
ld qaxwe.
xanshar [m.l]
1. (u) Jabjab. 2. Buunsho. 3. Xash. 4. Qolof duubaya iniinta qaxwe ah. ld xashar.
qax [m.l]
Guuriitaan meel si degdeg ah looga cararo cabsi awgeed.
qax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; qaxi/qixi)
Cabsi awgeed meel si degdeg ah uga guurid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg