qay
(m.l)Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa.
qay
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-yay, -yday; -yi)1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qay ↴
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
aakhir [m.l]
1. Kan dambe. 2. Quraanka qaybtiisa damba. ld aakhiritaan. aakhiritaan
baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta
ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u
diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma
Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld
aa¹, ayaa, yaa³. aa, ayaa, yaa
baab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qayb ka mid ah qaybo buug. 2. Mowduuc ku saabsan arrin gaar ah.
3. Isku b.: wax isku nooc ah. Tus. “Dad aan isku baab ahayn ayaad casuntay”.
ubax [m.l]
Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo
xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan;
waa caleemo midabyo badan oo qurxoon;
xay; man.
ubbo-ubax [m.dh] (-xo, m.dh)
(bot.) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.
maab [m.l] (-bab, m.l)
Shax warqad ku sawiran oo tilmaamaysa dhulka oogadiisa, ama qayb ka mid oo ay leeyihiin waddammada, badaha, webiyada, buuraha iwm; khariiddada. khariiddada
waa [m.l] (-aayo, m.l)
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo
kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
caabbiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
haad [m.l]
1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud.
3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.