qayax
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

1. Q. ah: wax aan qarsoonayn oo si wanaagsan loogu wada jeedo. 2. Wax sida badar, geed iwm oo diirka laga qaaday. 3. Laf hilibkii laga guray.

qayax
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday; -yixi)

1. Wax diirka sare ka qaadid. 2. Laf hilib ka gurid. 3. Si wanaagsan wax u sheegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qayax

gacansayr [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ku g.: talo, amar iwm si qayaxan u diidid.

qayaxan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xmay, -xantay)
1. Geed wax diirkii ka qaadmay noqosho. 2. Laf wax hilibkii ka dhamaaday noqosho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay noqosho.

qayaxan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-xnaa, -xnayd)
1. Wax diirka sare laga qaaday ahaansho. 2. Laf, wax hilibkii laga guray ahaansho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay ahaansho.

qayaxmid [m.f.dh]
eeg qayaxan¹.

qayaxnaan [m.f.dh]
eeg qayaxan². ld qayaxnaansho.

qayaxnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qayaxnaan.

qayixid [m.f.dh]
eeg qayax².

qay [m.l]
Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa.

qay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg