qayaxan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xmay, -xantay)

1. Geed wax diirkii ka qaadmay noqosho. 2. Laf wax hilibkii ka dhamaaday noqosho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay noqosho.

qayaxan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-xnaa, -xnayd)

1. Wax diirka sare laga qaaday ahaansho. 2. Laf, wax hilibkii laga guray ahaansho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qayaxan

gacansayr [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ku g.: talo, amar iwm si qayaxan u diidid.

qayaxmid [m.f.dh]
eeg qayaxan¹.

qayaxnaan [m.f.dh]
eeg qayaxan². ld qayaxnaansho.

qayax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Q. ah: wax aan qarsoonayn oo si wanaagsan loogu wada jeedo. 2. Wax sida badar, geed iwm oo diirka laga qaaday. 3. Laf hilibkii laga guray.

qayax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday; -yixi)
1. Wax diirka sare ka qaadid. 2. Laf hilib ka gurid. 3. Si wanaagsan wax u sheegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg