qaybin
(m.f.dh)eeg qaybi. ld qaybis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaybin ↴
saami [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Wax sida loo kala leeyahay u qaybin.
waaxee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-xeeyay, -xaysay)
Wax afar meelood u qaybin. ld waaxyee.
wadaaji [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
1. Dad wax ka dhexeysiin. 2. Wax qaybin.
xabbaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Xoolo la soo dhacay qaybin.
alan [m.l]
(almo/-nno, m.dh) (nax.) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iwm; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iwm) sida shibanayaashan oo kale - dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.
aqool [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
1.(f.g) Dad badan cunto u qaybin. 2.(f.g) Wax dad badan ka dhexeeya maamulid. 3. (f.mg) Iyadoo hawl maalmeed la soo dhammeeyay guri u soo noqosho.
bar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid, cilmi iyo wax uusan aqoon aqoonsi. 2. Wax laba meelood oo isla 'eg u qaybin. 3. Is b.: caadaysasho.
boosto [m.dh]
1. Maamul dawladeed oo ku jaadan waraaqaha, dhambaallada iwm oo la isu diro qaybintooda iyo isgaarsiintooda. 2. Xafiisyada iyo rugta hawlahaas lagu qabto.
daaqad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dariishad; khalfad. 2. ld daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go'loo qaybin karo.
dhaqaale [m.l]
1. Hanti. 2. Habka hanti loo maamulo. 3. Aragtida wax soo saarka iyo qaybinta hantida. ld dhaqaalo.
qayb [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil.
qayb [m.dh] (-bo, m.l)
1. Wax dhowr meelood loo kala dhigay middood; in.; qaar. 2. Qaybinta tiro mid kale loo qaybiyey. 3. Maamulka laga xakumo dhowr gaar oo mileteri ah. 4. Maamul goboleed laga xakumo ciidan boolis ah.
qayb [m.dh]
(nax.) Qaybaha hadalka: magac waagii hore aad loogu adeegsan jiray xagga kooxaynta ereyada, kala soocnaantooduna waxay ku salaysanayd xagga qaab naxweedyada iyo xagga micnahaba.
qayb [m.l]
Wax Alle mooyee cid kale ogaan karto aan jirin.
qayb [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax kor ka barasha.