qaybsi
(m.l)ld qaybsasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaybsi ↴
mi' [m.l]
Kaltan biyo qaybsiyeed.
qaybsasho [m.f.dh]
eeg qaybso. ld qaybsad, qaybsi.
qaybsii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid wax xafidsiin.
qaybsiin [m.f.dh]
eeg qaybsii.
qayb [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil.
qayb [m.dh] (-bo, m.l)
1. Wax dhowr meelood loo kala dhigay middood; in.; qaar. 2. Qaybinta tiro mid kale loo qaybiyey. 3. Maamulka laga xakumo dhowr gaar oo mileteri ah. 4. Maamul goboleed laga xakumo ciidan boolis ah.
qayb [m.dh]
(nax.) Qaybaha hadalka: magac waagii hore aad loogu adeegsan jiray xagga kooxaynta ereyada, kala soocnaantooduna waxay ku salaysanayd xagga qaab naxweedyada iyo xagga micnahaba.
qayb [m.l]
Wax Alle mooyee cid kale ogaan karto aan jirin.
qayb [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax kor ka barasha.