qayd
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)Dhul cabbirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qayd ↴
dildillaac [m.l]
(jool.) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah.
galool [m.l] (-llo, m.dh)
1. Geed weyn, qaydarka la bah ah, laf adag, mayrax adag iyo asal wanaagsan leh. 2. Duub wareegsan oo liifad, tubaako iwm ka sameysan. 3. Xidid hab gaar ah loo wareejiyay oo sagaarada lagu dabo.
labaqayd [m.l]
Maro laba qayd ka kooban.
qaydan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax la cabbiray ahaansho (dhul).
qaydar [m.l]
Geed weyn oo qodax leh oo quraca la bah ah oo leh mayrax fiican iyo xabag la cuno.
qaydasho [m.f.dh]
eeg qaydo.
qaydid [m.f.dh]
eeg qayd².
qaydin [m.dh]
Ul dhuuban oo geela lagu ilaaliyo.
qaydin-hays [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Q. ah: nin meesi xoolaad si joogto u ilaaliya oo aan ka harin.