qayir
(m.l)Wax siday ahaayeen si ka duwan noqda ama laga dhigo; beddel; doorsan.
qayir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iwm. beddelid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qayir ↴
kuug [m.l]
1. (-gag, m.l) Qof cuntada si wanaagsan u karin yaqaana; kooke. 2. K. ah: nooc tusbaxyada ka mid ah qurux badan oo aan qayirmin.
qayiraad [m.dh]
Isbeddel ku yimaad midab, ur iwm.
qayiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iwm beddelmay noqosho.
qayiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax midabkiis, dhadhankiisa, urkiisa iwm beddelmay ahaansho.
qayirasho [m.f.dh]
eeg qayiro.
qayirid [m.f.dh]
eeg qayir².
qayirmid [m.f.dh]
eeg qayiran¹.
qayirnaan [m.f.dh]
eeg qayiran². ld qayirnaansho.
qay [m.l]
Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa.
qay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid.