qayli
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

1. Cod dheer ku dhawaaqid. 2. Ku q.: cid canaan u jeedin. 3. U q.: cid taageerid. 4. U q.: cid u yeerid. 5. La q.: dhibaato darteed la dhawaaqid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qayli

aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan

haadey [Erey Dareen | Exclamation]
Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey. hoohey

waaqlee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
Qof, tuke iwm qaylo dheer aad ugu qaylin.

balow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lway, -lowday; -lwi)
Cabsi ama xanuun dartiis la qaylin.

cod [m.l] (-dad, m.l)
1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iwm. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.

galaayuus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Qaylid, dhaadasho. 2. Nirgo gaajooday olol iyo juuc badan samayn.

gallayrree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Sida gallayr u qaylin. ld gallayryee.

jiribaa [m.l]
Cayayaan yaryar, duula, cadaad-ka fuula oo xilliga kaliisha qayliya.

kardho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-dhaday, -dhatay)
1. Neef irmaan oo ari ah darar awgeed la qaylin. 2. Qof jirro ama dhaxan la gariirid.

qay [m.l]
Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa.

qay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg