qayso
(m.dh)Su!; Tu! (cod geela lagu fariisiyo si loo raro).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qayso ↴
barwaaqayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Meel barwaaqo ka dhigasho. 2. Barwaaqo helid.
bililiqayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Hanti la boobayo in yar ka qaadasho.
dhaqayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Bar astaysan toog ku barasho.
dhuqdhuqayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Hanti aan badnayn meel si joogto ah uga helid.
nafaqayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Wax nafaqo ka dhigasho. 2. Wax masruufasho.
naqayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax inta fiican kala bixid; xulasho. 2. (f.mg) Naq daaqid (xoolo).
saddaqayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
ld sadaqayso.
shaqayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Shaqo qabsasho.
su' [m.dh]
1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la da-brayo.
qay [m.l]
Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa.
qay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yay, -yday; -yi)
1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid.