qeexan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-xnaa, -xnayd)

Wax la qeexay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qeexan

algoordan [m.l] (-amo, m.dh)
(xis.) Urur qaanuunno ah oo hagaag u qeexan, loona adeegsado furfirista mas'alad iyada oo la qaadayo tallaabooyin tiradoodu koobantahay.

bayaan [m.l]
1. B. ah: muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u qeexan. 2. War qeexan oo aan macnihiisa shaki ku jirin; qaraar; baaq.

fasiix [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. F. ah: qof hadalka si fiican u jeedin yaqaan. 2. Hadal bayaan ah oo si qeexan loo yiri.

kombiyuutar [m.l] (-rro, m.dh)
(tegno.) Aalad ku shaqeysa elektroonik si gaar ahna u qabata xogta lagu kaydiyo, marka loo baahdana si qeexan uga jawaabta.

qeexnaan [m.f.dh]
eeg qeexan. ld qeexnaansho.

tifaftir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
War iwm si bayaan ah oo qeexan u sheegid.

tiiqtiiqso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Cid ku digasho. 2. Arrin si qeexan uga hadlid.

wargur [m.l]
Hab raacatada soomaaliyeed ku dhaqanto kolka ay garramayso ama wada xaajoonaysa. Qof codkar ah ayaa hadba qofka hadlaya warkiisa qabta oo kor u qaada oo dadka wada maqalsiiya, isagoo qeexan oo quruxsan u sheegaya. ld wargurid.

qeex [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Wax si wanaagsan u sharxid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg