qir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Arrin doodi ka taagneyd caddeyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qir ↴
kaabsul [m.l]
Xuub qira yar oo daawo buda ahi
ku jirto oo afka laga qaato. ld kaabsol. kaabsol
jaafi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
xajmi [m.dh] (-iyo, m.dh)
Derbi iwm inta qiradiisu le'eg tahay; jurmi.
xalleef [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: wax aan qiro lahayn oo dhuuban.
ashahaado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.
garayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax, inuu garyahay qirid. 2. (f.mg) Garays xirasho. 3. (f.mg) Garraar xirash.
garraw [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-raabay, -rowday; -raabi)
U g.: qof wax sameeyey, arrinta ama sababta ku jiidey, inaan laga fursan karin oo ay garti ahayd aqoonsasho, u qiri.
gudo-noqod-dhan [m.l]
(fiis.) Marka fallaadh ilays kaga dhacdo dusha dhextaal cufnaan obtikaad yar, xagal abbaar ka weyn xagal qirinqiirka, halkii ay uga gudbi lahayd dhextaalka cufnaanta yar ayay dib ugu soo noqotaa dhextaalka cufnaanta badan.
jiingad [m.dh] (-do, m.l)
Bir qiro yar oo guryaha dusha laga saaro; tarniig.
jinaad [m.l]
Ballaar; dhumuc; qiro; jurmi.
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.