qiro
(m.dh)Inta xalleefsanaanta ballaarku le'egyahay; dhumuc; baaxad. ld qaro.
qiro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)Qof fal in uu sameeyey caddeyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qiro ↴
jaafi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
xalleef [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: wax aan qiro lahayn oo dhuuban.
jiingad [m.dh] (-do, m.l)
Bir qiro yar oo guryaha dusha laga saaro; tarniig.
jinaad [m.l]
Ballaar; dhumuc; qiro; jurmi.
jurmi [m.l]
Dhumuc; qiro; baaxad. ld jirmi (2).
qarad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Q. ah: wax qiro iyo baaxad weyn leh. 2. Muraad; dan. 3. Hanti la soo dhacay marka la qaybsado inta dheeraadka ah ee la siiyo abaanduulka.
qaro [m.dh]
ld qiro¹.
qirasho [m.f.dh]
eeg qiro².
qiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qiro u yeelid. ld qaree.