qiyaasid
(m.f.dh)eeg qiyaas³.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qiyaasid ↴
oddoros [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda maleawaalid.
maami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Oddorosid. 2. Wax qiyaasid.
himli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax culayskooda qiyaasid.
mala-awaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Wax aan la hubin qiyaasid.
masal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. (riw.) Filim, riwaayad iwm jilid. 2. Cid wakiil ka noqosho. 3. Ku m.: wax, wax kale ku qiyaasid. ld masil², matal², matil², mesel², metel².
milaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax maskax ka qiyaasid.
moohaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dalag beereed moohaar ku qiyaasid ama ku cabbirid.
suuradi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo, dad iwm tiradooda si mala-awaal ah u qiyaasid.
suuree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qaabkiisa qiyaasid.
qiyaas [m.l]
(dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
qiyaas [m.dh]
1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
qiyaas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid.