qob
(m.l) (-bab, m.l)1. Diir; dub; qolof. 2. Qof ducadiisa ama habaarkiisu kaco.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qob ↴
abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.
diiro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.
fiindhee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-dheeyay, -dhaysay)
1. Sabuul qob ka qaadid. 2. Wax kala shaandhayn.
hanjiid [m.l]
Qob ka saaridda in yar oo gocoso ah gacan qobka looga saaro.
hanjiid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Gocoso gacan qob uga saarid.
hanjiidan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Gocoso gacan qob uga saarayo ahaansho.
hanjiido [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-daday, -datay)
Gocoso, qob gacan kaga saarasho.
maxaad [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
Cirbad weyn oo lagu tolo jawaanka qobtolka, karnaashka iwm; maxaar. ld maxaar.
qobbe [m.l]
Dhaxan qabow oo habeenkii soo dhacda; nadwad; dheel.
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.