qol
(m.l) (-lal, m.l)Qaybaha uu guri u qaybsamo middood oo aan ahayn musqusha iyo jikada. ld qawlad, qoolad, qowlad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qol ↴
naab [m.dh]
(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha
bishimaha qofka marka uu harraado ama uu
bukoodo; jiil. jiil
laakoliit [m.l]
(jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
maagma [m.dh] (-ooyin, m.l)
(jool.) Walax dhalaashan oo laga helo hoosta dhadhaabada adag ee qolofta dhulka, mararka qaarkoodna waaxa la arkaa marka ay folkanaha ka soo baxayso.
nabadsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Laba qof ama laba qolo oo dagaallamay heshiisiin; nabadayn.
oodan [m.l]
1. Qof ka dhashay qolo xoog iyo tiro badan. 2. Bawdka beerta. 3. Meel dhir badan leh oo mariddeedu dhibtahay. 4. ld oodmid.
oogo-dhul [m.dh] (-ooyin-dhul, m.l)
1. (jool.) Qaybta adag ee qolofta dhulka, taas oo ku kala fidsan gun gaaraysa ilaa iyo 65 Km. (40 mayl) ka hos dhulka dushiisa. 2. (jool.) Qaybta u serraysa dhulka ee ka sarraysa xarriiga moho, garadeeduna waa 8 ilaa 40 km. badanaa waxay ka koobantahay dhadhaabo shiileed.
ooro [m.dh]
(daaw.) Cudur dhegaha xoolaha dushooda sare ku dhaca oo qolfo iyo finan u yeela.
qaanuun [m.l] (-nno/qawaaniin, m.dh)
1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.
kaambe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay iyo toban lugood, lana cuno.
sab [m.dh]
1. Qolo raacatada soomaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad.
q [m.dh]
(qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga oo shibbane ah.