qoofal
(m.l)1. Dabar suun ka samaysan oo awrta iyo fardaha jeenyaha hore lagaga seeteeyo. 2. ld qoofalid.
qoofal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)Awr ama faras jeenyaha hore dabar suun ah uga seeteyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoofal ↴
saab [m.l] (-bab, m.l)
1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. taliye
qoofalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la qoofalay ahaansho (awr ama faras).
qoofalid [m.f.dh]
eeg qoofal². ld qoofal¹ (2).
qoofalnaan [m.f.dh]
eeg qoofalan. ld qoofalnaansho.
qoofalnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qoofalnaan.
shulle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Fardaha canqawgooda hoose oo qoofalka lagu xiro. 2. Cagta dadka iyo dhudhunka meesha ay iska galaan; canqaw. ld shullo.