qoolaaban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay)

1. Bir iwm wax qaroofmay noqosho. 2. Dab wax la agaasimay noqosho.

qoolaaban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

1. Bir iwm wax la qaroofay ahaansho. 2. Dab wax la agaasimay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoolaaban

cag-qoolaaban [m.dh]
(daaw.) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.

qafil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Shey bir ka samaysan oo gacan yar oo qoolaaban iyo duleel yar oo uu furaha galo leh, oo faseexadda albaabka, sanduuqa iwm lagu xiro. 2. ld qafilid. 3. quful ¹, qunful¹.

qoolaabmid [m.f.dh]
eeg qoolaaban¹.

qoolaabnaan [m.f.dh]
eeg qoolaaban. ld qoolaabnaansho.

riishad [m.dh] (-do, m.l)
Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.

qoolaab [m.l]
1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. ld qoolaaw¹.

qoolaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax qalloocin. 2. Dab shididdii agaasimid. ld qolaab, qoolaaw².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg