qoon
(m.l) (-ooman, m.l)Ummad, dad isku jinsi ah oo meel ku wada nool.
qoon
(m.dh)1. Cudur, dhibaato. 2. (-oomo, m.l) Dhaawac; nabar.
qoon
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-oomay, -oontay; -oomi)1. Cid dhaawac gaarsiin. 2. Cid dhibaato gayeysiin.
qoon
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-nmay, -nantay)Wax dhaawac ama dhibaato gaartay noqosho (nafley).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoon ↴
gaadala-aqoon [m.dh]
ld gadaala-aqoon. gadaala-aqoon
gaaggax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -gixi)
Godolkii ku baabi'id, wax la qoonsaday darteed. ld gaagax². gaagax
nabar [m.l] (-bro, m.l/-rro, m.dh)
1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
yah [Erey Dareen | Exclamation]
Erey wixii la qoonsado oo la haaraama hayo lagu yiraahdo; hah! caku!.
ammiir [m.l] (-rro, m.dh)
Taliye; madax qoon; suldaan. ld amiir² (2).
aqoon [m.dh]
1. Cilmi. 2. Garasho dheerad ah oo wax loo leeyahay. Tus. “Jaamac Xamar aqoon buu u leeyahay”.
aqoon farsamo [m.dh]
1. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan dhinaca cilmiga ama farsamada.
aqoonbaaris [m.dh]
Cilmibaaris.
aqoon-beereed [m.dh]
(c.beer.) Sayniska beeridda dalagyada oo ay ka mid yihiin mashaakilka dalagyada soo go'a, ka hortagga cudurrada, horumarinta noocyo dalag oo kala duwan iyo maamulka, xanaanaynta, iyo bacrinta carrada.
aqoondaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Qof aan aqoon lahayn ahaansho.