qooq
(m.l)1. Xoolaha lab siiba awrta sida ay noqdaan xilliga ay diyaar u yihiin inay wax abaahiyaan. 2. Ciyaar; dheel. 3. Kacsi. 4. Kibir; islaweyni.
qooq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)1. Xoolo lab qooq ku dhicid. 2. Ciyaarid; dheelid. 3. Dad kibrid. 4. Gabar galmo u baahasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qooq ↴
ubur [m.dh] (-rro, m.dh)
Xumbo adag, oo cad, oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld abur. abur
uburi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr qooqan, ubur afka ka keenid. ld aburi. aburi
orgobbe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Shabeel lab oo qooqan oo dad cun ah. 2. Qof dhaqan bahal leh.
qaalmaqooqshe [m.l]
Caws jilicsan oo dhirta hoosteeda ka baxa oo geelu aad u jecelyahay.
waalay [m.l] (-yo, m.dh)
Qaalin, dib markii ugu horraysay qooqay; qooqan.
wadaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Lab xoolaad oo qooqan dheddiggiisa oo deggan la socosho. 2. Neef tabar daran aayar u wadid.
abur [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Xumbo (siiba midda uu soo saaro aworka qooqan). ld ubur.
aburi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Abur yeelasho ama soo saarid (siiba awrka qooqan). ld uburi.
baaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.
cawtalgasiir [m.l]
Geed la aamminsan yahay inuu awrka qooqani daaqo.