qooy
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-yay, -ysay)

ld qoo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qooy

aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.

biif [m.l]
1. Biyo yar oo lagu qooyo galley, meseggo iwm marka la tumayo ama la shiidayo. 2. B. ah: midab aad u cad; qurux. 3. ld biifid.

dhiidhi [m.l]
Ciid biyo qooyeen; dhiiqo.

kabaqoys [m.l]
Geed nagaar dhulka ku fida, leh caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan oo markii lagu istaago kabaha qooya.

kulaalaha-waqooyi [m.l]
(juqr.) Barbar la-ahe lool, qiyaas ahaan 23° w, oo tilmaamaya dacalka woqooyi ugu xiga ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurkii.

labacqooye [m.l]
(bot.) Geed nagaar ah oo wax lagu daweeyo.

qoo [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-ooyay, -oysay)
Wax qallalan biyo gelin. ld qooy.

rad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Badar wax la qooyay oo jilcay noqosho. 2. Maro muddo biyo ku dhex jirid.

rafaaq [m.l]
Qasidda bur, ciid iwm hoore qooya faraha lagula qaso. ld rafaajin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg