qorid
(m.f.dh)eeg qor². ld qoraal (5), qoris, qoritaan, qorniimo, qorniin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qorid ↴
aayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.
barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.
buuxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax muggiisa ku shubid. 2. Kaalin maran gelid. 3. Foomka b.: shuruudaha warqad looga baahnaa meelaheeda bannaan ku qorid.
dhegaqorid [m.f.dh]
eeg dhegaqor².
dhig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
diiwaanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Diiwaan gelin, ku qorid.
diiwaangeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax diiwaan ku qorid.
farbarasho [m.dh]
1. Barashada qoridda iyo akhrinta ee af. 2. Aqoonta qaabbilsan qurxinta habka qoridda.
farshaxan [m.l]
1. Fanka qoridda, aslidda, soohidda, falkinta iwm. 2. Qof fanka qoridda, aslidda iwm aad u yaqaan.
feegaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Far aan dan laga lahayn qorid. 2. Farbarasho samayn.
qor [m.l]
1. Wax la qaybsanayo qeybta uu qof waliba xaq u leeyahay in uu helo. 2. Inta dheeraadka ah ee laga gooyo weel, ul iwm oo la farsameynayo.
qor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Xaraf, erey, hadal iwm meel ku astayn. 2. Cid shaqo siin. 3. Geed weel, ul iwm ka samayn.