qoris
(m.dh)

ld qorid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoris

aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).

elektarogardiyogaraam (EKG) [m.l] (-myo, m.dh)
(daaw.) (EKG) Ku qorista, shaqo koronteedka wadnaha warqad socota dusheed.

far [m.dh] (-ro, m.l)
1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo.

qalindaar [m.l]
Gacan wax qoraysa oo la nuuxiyo ama la taabto oo qoristii ka xumaato.

qorid [m.f.dh]
eeg qor². ld qoraal (5), qoris, qoritaan, qorniimo, qorniin.

qorisaar [m.l]
1. Dedidda dhis iwm lagu dedo qoryo, alwaax iwm. 2. Saaridda la saaro daydka, xabaasha, ood, qori iwm. ld qorisaarid.

qorisaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Dhismo iwm qori ku dedid. 2. Xabaal, ood, qori iwm ah saarid.

qorisaarid [m.f.dh]
eeg qorisaar². ld qorisaar¹.

qorisla'aan [m.dh]
Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan waxna qorin waxna akhrin.

qor [m.l]
1. Wax la qaybsanayo qeybta uu qof waliba xaq u leeyahay in uu helo. 2. Inta dheeraadka ah ee laga gooyo weel, ul iwm oo la farsameynayo.

qor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Xaraf, erey, hadal iwm meel ku astayn. 2. Cid shaqo siin. 3. Geed weel, ul iwm ka samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg