qorraxdhac
(m.l)1. Waqtiga ay qorraxda godkeeda gasho; maqrib. 2. Jahada ay qorraxdu u dhacdo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qorraxdhac ↴
gabbaldhici [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U g.: ilaa qorraxdhaca wax meel ku hayn.
gabbalsiidhac [m.l]
ld qorraxdhac.
galabgaab [m.l]
Galabnimada inteeda dambe ee qorraxdhaca ka horreysa. ld galab- gaabad.
qorraxsiidhac [m.l]
ld qorraxdhac.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg