qorshe
(m.l) (-shayaal, m.l/dh)

1. Nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo. 2. ld qorshayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qorshe

jaangooyo [m.dh]
1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.

bashiisho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-shaday, -shatay)
1. Si lamafilaan ah ugu dhalid meel aan la rabin (neef). 2. Arrin sidii loo qorsheeyey si ka duwan u dhicid.

degsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iwm wax la dhammaystiray ahaansho.

gola-la-taliyaasha [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(siyaa.) Koox dad ah oo la magacaabay ama loo xushay talo bixinta, sharci dejinta ama qorshe samaynta.

istiraatijiyad [m.dh] (-do, m.dh)
1. (siyaa.) Qorshe la qabto si loo gaaro himilo, gaar ahaan siyaasadda, dagaalaha, ganacsiga. 2. (siyaa.) Qorshe xirfadeed in lagu meeleyo ciidan iyo hubka, si loo helo guusha ama faa'idada ugu fiican.

mashruuc [m.l] (-cyo/-shaaric, m.dh)
1. Dhismo lagu hirgelinayo qayb abuurta ilo dhaqaale, sida warshad, beer, iwm. 2. Hay'ad wax-soosaar oo badanaaba dawladi maal geliso. 3. Qorshe.

miisaaniyad [Magac Dheddig | Noun Feminine]
(dhaq.) Qorshe waqtiyeysan oo maaliyadeed oo loogu talaggalay in hawl lagu fuliyo.

qoondayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Wax qorsheysasho.

qoondee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Wax qorsheyn.

qooqaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Arrin la tashi dad kale u baahan, qof keligii qorsheysasho. 2. Xero xoolaad sameysasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg