raac
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-cay, -cday)1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raac ↴
aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax
muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku
aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii
aadiraac [m.l]
Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.
eber [m.l]
1. Tiro xisaabeed oo marka ay
kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin
marka tiradu midig ka raacdo toban ku
dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo
tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel
maran. ebar
ta [q.dh] (-ta)
Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y,
iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.
ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan
magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.
aameel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii waxay arkaan iska raacaan. haruub, doobi
kaadi dhiigow [m.l]
Kaadida oo dhiig soo raaco.
taabac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -bici)
1. Cid raacid.
2. Socod dheereyn ku jirto socosho.
taabacsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
Qof kale raacay ahaansho (qof, wax).