raacdo
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)1. Ciidan laga daba diro ciidan wax laayay ama dhacay.
raacdo
(m.dh)Qof wax lumay raadintooda ku hawlan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raacdo ↴
eber [m.l]
1. Tiro xisaabeed oo marka ay
kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin
marka tiradu midig ka raacdo toban ku
dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo
tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel
maran. ebar
burocaanood [m.dh]
(daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
daalac [m.l]
Wax dheeraad ah oo cid loo raacdo.
kelli [m.dh] (-iyo, m.l)
Mid ka mid ah labada cad oo digirta qaabkeeda leh oo uurka ku jirta (lafdhabarta labadeeda dhinac) oo waxa oogadu raacdo iyo dhiigga kala soocda, oo kaadi ahaan dibadda uga soo saarta.
nooli [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lyay, -liday; -lyi)
Cid lacag ay baabur, diyaarad ama markab ku raacdo siin.
socod iskudubbaridan oo fudud [m.l]
(fiis.) Saxar ama walax ee waxa ay ku socotaa socod iskudubbaridan oo fudud, marka ay ku washato bar maguur, ayna raacdo xarriiq toosan. eeg socod iskudubbaridan.
sufur [m.l]
1. Tiro xisaabeed marka ay keligeed tahay aan micno lahayn, laakiin marka ay midigta ka raacdo tiro kale ku dhufata toban; Eber. 2. Maar. 3. (-rro, m.dh) Koob macdan ka samaysan.
raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid.