rako
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Meel sare oo ku taal dusha geed, dhismo iwm oo wax la saarto ama la fuulo. 2. Meel ciriiri ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rako ↴
barako [m.dh]
1. Wanaag loo aayo oo laga helo wax Eebbe ku siiyey sida carruurta, xoolaha iwm; karaamo. 2. Badasho, taran.
barakoobid [m.f.dh]
eeg barakow.
barakow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Wax barako yeelasho. 2. Wax tarmid.
guro [m.dh]
1. Meel godan oo gaadiid raran dushiisa laga sameeyo oo la saaro carruur, maqal iwm. 2. Rako.
rakooc [m.l]
Madax in yar hoos u liicinta qof sameeyo hurdo darteed. ld rakoocid.
rakooc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Muddo yar hurdo darteed madaxa hoos in yar u liicin (qof).
rakoocid [m.f.dh]
eeg rakooc². ld rakooc¹.
tarakooma [m.dh]
(daaw.) Cudur indheed muddo dheer oo la isqaadsiiyo: nooc daran ee infekshinka xoobka indhaha oo uu keeno jermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo la yirahdo “chlamydia trachomatis” cudurka wuxu ku badanyahay dalalka kulul.
tirakoob [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-byo, m.dh)
Habka loo helo ama lo tirsho tira guud.