raran
(m.l)

Ciid kulul.

raran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay)

Gaadiid wax culaab la saaray noqosho.

raran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Gaadiid wax culaab la saaray ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raran

taar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Rati raran oo taagan wax saarid.

taaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Rati raran oo taagan wax saarasho. 2. Qof kaalmayn.

baarfuran [m.l] (-nno, m.dh)
Awr aan weligii la raran.

bararan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Meel jirka ka mid ah, wax bararay ahaansho.

basalt [m.dh]
(jool.) Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.

buub [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Rati raran didid. 2. Dayaarad, shimbir iwm duulid.

cabbaar [m.dh] (-ro, m.l)
Masaafada rati rarani ku daalo.

cabbaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Rati raran daalid.

callaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Qof laga rabo in uu hawl qabto deeq yar siin; laaluushid. 2. Alaab yar gaadid raran saarid. ld calaal².

dibiyeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax si dibaya ah u raran ahaansho (rati).

rar [m.l]
1. Culaabta gaadiidka la saaro; xamuul. 2. Hannaanka gaadiid culaab loo saaro. 3. Qaadka ama mugga gaadiid yeelan karo.

rar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Gaadiid culaab saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg