raro
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

1. Gogol caws ka samaysan. 2. Laba kuus oo baruur ah oo dhabarka gorayada ku yaal oo subag la isku daweeyo laga shiilo.

raro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)

Xamuul gaadiid saarasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raro

afla' [m.dh]
1. Ciyaarta jarta marka qof god bannaan oo uu xoolihiisa u raro waayo. 2. Middi a.: midda aan wax goynayn..

aqalsoomaali [m.l]
Aqal gembis ah, rarma, oo ka kooban raro, dhigo udbo, saamo iyo xargo oo miyiga Soomaaliya laga dhisto.

araro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.

buub [m.l]
1. B. ah: rati marka la raro dida. 2. ld buubid.

daso [m.dh]
Hooy yar oo ka samaysan raro; qoryo, dhoobo iwm.

deked [m.dh]
Meel dhisan, loogu talagalay in ay maraakiibta ku soo xirato oo laga raro, waxna looga dejiyo.

dhambal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Raro. 2. Nooc aleesha ka mid ah oo inta la taxo dhiilasha iwm lagu qurxiyo. ld dhombol.

dheeg [m.l] (-gag, m.l)
1. Labada dhinac ee laga raro geelo middood. 2. Markabka dushiisa sare.

gar [m.l] (-rar, m.l)
1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. ld ge.

garruud [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. G. ah: awr xooggan oo rarooyo ah. 2. G. ah: qoryo adadag oo waaweyn. 3. Rag duqow ah oo garta qaada; madax; qaaf.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg