rasaas
(m.dh)1. Xabbad. 2. Macdan ka samaysan naxaas iyo maar. ld risaas.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rasaas ↴
laabbis [m.l] (-syo, m.dh)
Qalin qori ah oo dhexda dhuxul madow uga jirto; qalin rasaas. ld laabis. laabis
xabbad [m.dh]
1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.
ammaan [m.l]
1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.
baas [m.l] (-sas, m.l)
1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iwm. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.
caarad-dhuub [m.l] (-byo, m.dh)
1. Wax kasta oo af fiiqan leh. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af fiiqan leh. 3. Nooc ka mid rasaasta oo af fiiqan leh.
darandoorri [f.g/mg1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go'lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid.
gumuc [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. ld gumac.
mari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin.
rasaasayn [m.f.dh]
eeg rasaasee. ld risaasayn.