rasmi
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

1. R. ah: wax dhab ah. Tus. “War r. ah baa la ii soo sheegay”. 2. R. ah: wax tayo wanaagsan. Tus. “Saacad r. ah baan soo iibsaday”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rasmi

faafin [m.dh]
Faafin rasmi ah: wareegto rasmi ah

ujeeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iwm. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. ld ulajeeddo.

afguri [m.l] (-iyo, m.dh)
Af gaar ah oo looga hadlo degaan ka mid ah waddan, kana yara duwan afkiisa rasmiga ahi; lahjad.

ansaxin [m.dh]
(qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.

aqalgal [m.l]
Marka ugu horraysa ee laba qof oo isguursaday oo si rasmi ah guri u wada degay. ld aqalgelid.

aqalgal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
Laba qof oo isguursaday markii ugu horraysay si rasmi ah guri u wada gelid. ld aroosgal².

aqoonsi [m.l]
1. Warqadda a.ga: dokumenti rasmi ah oo ay ku yaalliin magac dhan,sawir iyo wixii kale oo caddaynaya qof sugiddiisa. 2. Warqadda citiraafka. 3. ld aqoonsasho.

asiili [m.l]
1. ld asali. 2. Dugsiga caruurta yaryar aadaabta iyo farta lagu baro inta aanay waxbarashada rasmiga ah bilaabin.

askarmaroodi [m.l]
1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.

baaq [m.l] (-qyo, m.dh)
(taar.) War cad oo rasmi ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg