raso
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Khaanado dusha ka bannaan oo lagu sameeyo dukaamada lana saaro alaabta la gadayo. 2. Habka la isu dulsaaro alaabo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raso ↴
dagarasoon [m.l]
ld daqarasoon.
daqarasoon [m.l]
Hanti sako ahaan loo bixiyo marka Soonku dhammaado. ld dagarasoon, daqarsoon.
dharasoobid [m.f.dh]
eeg dharasow². ld dharasow¹.
dharasow [m.l]
Jilcidda qof jirkiisu jilco da'awgeed. ld dharasoobid.
dharasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof da'awgeed, wax jirkiisu jilcay noqosho.
dhegafarasoobid [m.f.dh]
eeg dhegafarasow². ld dhegafarasow¹ (3).
dhegafarasow [m.l]
1. Maqalka dhegaha oo siyaado. 2. Sharqamo aan jirin oo la moodo in la maqday. 3. ld dhegafarasow¹.
dhegafarasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Maqalka dhegaha kordhid. 2. Sharqamo aan jirin maqlid..
fahraso [m.dh]
Kitaabka, meesha lagu qoro fasallada iyo kiiba bogga laga helo; tusmo.
guurasocod [m.l]
Socodka habeenkii la socdo; dheelmad.