rasuul
(m.l)(rusuul, m.dh) (dii.) Nabi Ilaahay ku amray inuu cid kale gaarsiiyo waxyi loo soo dhiibay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rasuul ↴
xaddiis [m.l]
(axaadiis/-syo, m.dh) (dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.
xaddiisqudsi [m.l] (-iyo, m.dh)
(dii.) War Rasuulka (n.k.h.a.) loo waxyooday oo aan Quraanka ka mid ahayn.
abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).
mawliid [m.l]
1. (dii.) Maalinta uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). 2. (dii.) Xuska loo sameeyo dhalashada Rasuulka(n.k.h.a.). 3. (dii.) Bishii uu dhashay Rasuulku (n.k.h.a.). ld mowliid, mowluud.
rasuulnimo [m.dh]
Rasuul ahaansho.
shariif [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Qof ka soo jeeda faracii Faadumo Rasuul. 2. Qof suubban oo asluub wanaagsan.
siti [m.dh]
Magac loo yaqaan Faadumo Rasuul.