rawax
(m.l) (-xyo, m.dh)

Dhul bannaan oo sarreeya dhagaxna leh.

rawax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

Hawl-maalmeed wakhtigeedii dhamaaday ka nasasho tegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rawax

marawaxad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qalab bir, caag iwm ah oo koronto ku shaqeeya, wareegsado oo guriyaha la suro ama meel la saaro oo neecaaw qabow keena. 2. Babbis. 3. Qufac isdabajoog ah; riiraxiyo. ld marawaxo, marwaxad, marwaxo.

marawaxadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax babbin. 2. Marwaxad wax ku qaboojin. ld marwaxadi.

marawaxadin [m.f.dh]
eeg marawaxadi. ld marwaxadin.

marawaxo [m.dh]
ld marawaxad.

rawaxaad [m.dh]
Xilliga shaqada laga baxo.

rawaxid [m.f.dh]
eeg rawax².

suubaan marawaxadeed [m.l]
(jool.) Tuuridda burburka dhagxaanta ee ka dhasha webi ama farac si degdegsan u qulqulaya. Suubaan marawaxadeed wuxuu caan ku yahay gobollada oomanaha ah waayo waxa jira fatahyo webi oo ka dhasha aago ka soo dega buuraha iyo iyaga oo gura waqtiyada oomanaha; waxayna suurageliyaan samayska suuban marawaxadeed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg