raxan
(m.l)

Hanti. “Reer iyo r. ma leh”; xoolo la dhaqdo.

raxan
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Koox dugaag ama ugaar ah oo wada socoda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raxan

oodjiid [m.l]
1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido.

oodjiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin.

araye [m.l]
Maroodiga lab oo raxanta hoggaamiya; arbe.

bor [m.l] (-rar, m.l)
Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.

deero [m.dh] (-ooyin, m.l)
Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.

dhirindhir [m.l]
(bot.) Geed-quwaax ay raxanreebta isku bah yihiin oo leh qodax dhumuc weyn oo dheer iyo dheecaan dhammaajo ah.

gawar [m.l]
1. Raxan gorayo ah. 2. Taag aan geedo lahay.

goonnidaaq [m.l]
G. ah: biciid, deero, geri iwm. oo aan la daaqin raxan ee cidlajoog ah.

jirraaqo [m.dh]
(c.nafl) Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn, madmadow, madax-yo waaweyn oo raxanraxan u socota; buu-lallo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg