reeban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

1. Wax samayntooda iyo cuniddooda la diiddanyahay ahaansho. 2. Laba xaraf wax shaqal la iskula xiray ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh reeban

caaggan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban.

mamnuuc [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Wax, wax reeban ka dhigid.

reeb [m.l] (-bab, m.l)
1. ld reebe. Fargashi dhumuc yar oo kaatumada waaweyn lagu xannibo; marwad. 2. ld reebe. Ilmo dhashay xilli ku aaddan xiddigga reebanti oo dadku sharaysto. 3. Hambo.

reebanti [m.dh]
1. Magac xiddig dadku sharaystaan. 2. Qof dhasha xilliga xiddigga reebanti uu muuqdo.

reebnaan [m.f.dh]
eeg reeban. ld reebnaan-sho.

reeb [m.l] (-bab, m.l)
1. ld reebe. Fargashi dhumuc yar oo kaatumada waaweyn lagu xannibo; marwad. 2. ld reebe. Ilmo dhashay xilli ku aaddan xiddigga reebanti oo dadku sharaysto. 3. Hambo.

reeb [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iwm cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg