ribnaan
(m.dh)

(kiim.) Xaddi walax ah oo ku jira halbeeg-muggeed milan ah. Halbeegga ribnaantu waa mool dm(-3). Ribnaan cufeedku waa cufka milmaha ku jira halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta mool-lani waa inta mool ee milmaha ku jirta halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta moolal waa xaddi walaxeedka ku jira hal kiiloo-garaam oo milaha ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ribnaan ↴

saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

xaddiditaanka PH [m.l]
(xis.) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada hayda-rojiinta ku jirta milan.

asiidh-cabirid [m.dh]
(kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.

dhakhso-horsiimo-kowaad [m.l]
(kiim.) Falgalka dhakhsihiisu saamigal ku yahay ribnaanta mid ka mid ah walxaha falgalayaasha ah.

dheelitiran-kiimikeed [m.l]
(kiim.) Falgal kiimikaad oo gedisme ah oo ribnaanta falgaleyaasha iyo maxsuulladuba aanay isla beddelin amminta sababta oo ah habdhiska ayaa ku sugan xaalad teermoodaynamik ahaan dheelitiran.

gudbin-firfircoon [m.l]
(baay.) Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.

kharribnaan [m.f.dh]
eeg kharriban². ld kharribnaansho.

kharribnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld kharribnaan.

maxsuul-aayooneed [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah. may diid. ld maya. maya diid. Erey tilmaama jawaab diidmo ah. ld may.

milan sare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta badan milanka kale.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg