ribo
(m.dh)Hanti dulsaar ah oo laga qaato hanti la is amaahiyay.
ribo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-btay, -batay)Nafley salka ku siqid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ribo ↴
ATP [m.dh]
(kiim.) Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.
bu'yaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Jidh yar oo wareegsan oo isku cufan oo laga helo bu'da aan qaybsamin ee unugga dhirta iyo xayawaanka, taas oo ka kooban borotiin, DNA, iyo RNA. Waxay door muhiin ah ka ciyaartaa soo saaridda ribosoomka iyo borotiinka.
raybosoom [m.l] (-myo, m.dh)
(baay.) Jidh yar oo dhululubaysan oo ku dhexjira unug nool, kaas oo ah halka lagu sameeyo borotiinka. Raybosoomyadu waxay ka koobanyihiin nooc RNA oo la yidhaahdo RNA ribosoomaysan iyo borotiin.
ribasho [m.f.dh]
eeg ribo². ld ribad.
sharribo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Wax waxtar-kiisa, kartidiisa iwm hubsasho. ld shir-rabo.