ricir
(m.dh) (-ro/-cro, m.l)1. ld ricidh. 2. Buur yar oo dhul siman ku taal.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ricir ↴
arax [m.dh] (-raxyo /-rxaan, m.l)
1. Xiriirta lafdhabarta qaybteeda sare oo ay feeraha is-haystaan. 2. Xubin hilib ah oo ka kooban dhowr ricirood iyo cadkooda. 3. Sac, saddex da'ood ama ka badan dhalay.
jebsin [m.dh] (-imo, m.l)
(daaw.) Xubin ka mid ah laf dhabarta oo dhawr ricirood leh. ld jibsin².
lafdhabar [m.dh] (-rro, m.dh)
1. Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta. 2. Wax kasta qaybta ugu muhimsan. ld lafduud.
lohod [m.l]
(c.nafl.) Nafley yaryar, badda ku jirta, jaadad badan leh oo aan lahayn lafo iyo riciro, kuna dhexjirta bacool laba qalbac ah oo la cuno.
qalfoof [m.l] (-fyo, m.dh)
Oogada nafleyda ee riciraha leh, iskujoogga lafahooda.
ricidh [m.l] (-dho/-cdho, m.l)
(c.nafl.) Mid kasta oo ka mid ah lafaha sameeya taxa lafdhabarta. ld ricir (1).
xanjaad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Xayrta riciraha lafdhabarta, sida xanjada ugu dhegsan. 2. Lafdhabar xiriir, arxaan.
xididmaskaxeed [m.l]
1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka. 2. Mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida say-mo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.