riddo
(m.dh)

1. Waran, hooto iwm oo si xoog leh loo tuuray. 2. Diin lagu jiray oo laga baxo, laga noqdo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh riddo

miidaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel durugsan oo ka soo noqodkeedu dhib yahay u eryid. 2. Nabar ama riddo si qiyaas la'aan ah meel ugu gemid.

riddoobid [m.f.dh]
eeg riddow². ld riddow¹.

riddow [m.l]
Ka bixidda laga baxo diinta Islaamka. ld riddoobid.

riddow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Diinta Islaamka ka bixid.

warwar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Samayo dhuudhuuban oo dhallintu isku riddo oo gabbashada ku barato. 2. Nooc waran oo dheer.

rid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax hoos u sii deyn. 2. Qof jago ama dhibco ka qaadid. 3. Xabbad, waran iwm gannid. 4. Wax wax kale dul saarnaa ka tuurid. 5. Ka r.: dugaag ama tuug wax uu sito ka dhigid. 6. Ku r.: xoolo ama dad jid ay maraan ku hagaajin. 7. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin si wax ku jira loogala soo baxo. 8. Isha ka r.: arrin xalkeeda asiibid. 9. Dib u r.: arrin fulinteeda dib u dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg