rifan
(m.l)(jool.) Falka ka dhasha marka ay is xoqaan dhagxaan ay sidaan biyo, dabayl ama mawjadaha baddu amase ay dhag-xaantaasi xoqdo kuwo kale.
rifan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fmay, -fantay; -fmi)Maqaar, maro iwm wax la rifay noqosho.
rifan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-fnaa, -fnayd)Maqaar, maro iwm wax la rifay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rifan ↴
carroguur [m.l]
(jool.) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. ld carragguur.
duf [m.dh]
1. D. ah: wax rifan, wax calal ah. 2. D. ah: dulli. 3. D. iyo dooriso!: hoog!; ba'!.
rifmid [m.f.dh]
eeg rifan².
rifnaan [m.f.dh]
eeg rifan³. ld rifnaansho.
rifrifan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fmay, -fantay)
Timo, dhogor, derin, xaashi iwm, wax rifrifmay noqosho.
rifrifan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
Timo, dhogor, waraaqo iwm, wax la rifrifay ahaansho.
sarrifan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
Lacag wax la sarrifay ahaansho.
rif [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Dhogor ama baal si xoog ah maqaar uga gurid. 2. Laf hilib ka dhammeyn. 3. Maro dun ka bixin. 4. Ka r.: qof ciidan ka tirsan garaaddo ka qaadid.