riiqo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-qday, -qatay)

1. (f.g) Khad dhuxul ka samaysasho. 2. (f.mg) Neef caato la socon waayid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh riiqo

barriiqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Raadka uu wax sabiibixday dhulka ku reebo.

barriiqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qatay)
Ku b.: wax meel sibiibix ah ku sidbasho.

dariiqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.

farriiqo [m.dh]
ld farriiq¹ (1).

riiqasho [m.f.dh]
eeg riiqo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg