riishad
(m.dh) (-do, m.l)

Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh riishad

dariishad [m.dh] (-do, m.l)
Mid ka mid ah daloollada loo yeelo aqallada iwm oo ay iftiinka iyo naacawdu ka soo galaan; khalfad.

keeb [m.l] (-bab, m.l)
Bir yar oo qaroofsan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; riishad. .

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg